War Saxaafadeed: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca Qaranka JSL.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Mudane Sayid-Maxamed Yuusuf Cali ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in mushaharkii Naafada, Agoonta iyo Hawlgabku aanay qaadan, isla markaana tilmaamay in ay si bille ah u qaataan mushaharaadka iyo Raashinkaba. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadkaa jilicda san ay soo abaabuleen dad ujeedooyin kala duwan leh.