
Koormeer shaqo Agasimaha Guud ee wasarada Gashandhiga somaliland iyo waaxda miinada oo hawlo shaqo u tagay Gobolka Gabilay
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26/05/2023 waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Mustafe Cumar Faarax oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Miino Saarka Jaamac Koosaar Axmed Hello Trust Program Manager (Colum Gibs) iyo isku xidhaha Hello iyo Wasaarada Gaashandhiga Khadar Qalinle waxay Kormeer shaqo ku tageen Kaamka Miinaa ee Gabilay. Aagaas oo ay Gacanta ku hayaan Haayada Somaliland u qaabilsan Arimaha Walxaha Qarxa, ee Hello Trust iyo Waaxda Miino saarka ee Waasarada Gaashaandhiga oo is Kaashanaya. Agaasimaha Guud waxa uu ka war bixiyay Aagaa laga wado shaqada iyo hawl wadeenada Gacanta ku hayay shaqadaas.Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga ayaa u Kuur galay goobaha ay shaqadu ka socoto iyo tababarada kala duwan ee ka socday Kaamka Miino Saarka Gabilay
ugu dambayn wuxuu Agaasimihu uga Mahad celiyay Shaqaalaha Waaxda Miino Saarka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Haayada Hello Trust, shaqada wanaagsan ee ay ka wadaan Kaamka Miino Saarka Gabilay.