Kulankii Labaad ee Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Xalay Ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.
Hargeysa-19-12-2022(), Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulankii labaad ee ay yeeshaan Labada Wasaaradood ee Arimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Laamaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida Iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, kaasoo xalay fiidkii ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Shirkan ayaa loogu diyaar garoobayey qabsoomida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, taaso dalka ka qabsoomaysa
28-12-2022, sida ay horey u shaaciyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku.
Kulankan waxaa warbixin ka bixiyey halka hawluhu u marayaan Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Mudane, Muuse Xasan Yuusuf oo muujiyey sida ay u diyaar garoobeen Guddida ahaan, iyagoo ay ka muuqato hawlkarnimo iyo isku duubni, dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo bandhigay qorshaha amni ee goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Xuduudaha dalka, kaasoo guud ahaanba diyaar ah, ayna diyaar garoobeen Ciidamadii hawsha Diiwaangelinta loo qorsheeyey.
Waxaana mudada Diiwaangelintu socoto hawlahan ka wada shaqaynaya Guddi Farsamo oo kooban Saraakiil Ciidan oo ka socda Talisyada kala duwan iyo Xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

-
3206784205554440127241302776871131012876228n
3208151117087838305619058138168009129376001n
3207945448204285423739798567474207504322528n
32005290013277972746716778847951749397183513n
3195551658598857352145507023433382053579536n
3182459555403650213024288991292426668781123n
3189632338594077020679674226897641026982998n
3196612448688837542637267479666349357785999n